Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey oo dib ula laabtay dacwadii uu ka gudbiyay Madaxweyne Gaas

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta shaaciyay in uu ka laabtay dacwad uu kusoo oogay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Dacwadda ayaa ku aadaneyd Murankii ka dhashay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee ay kala Magacaabeen labadda dhinac.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa uu sheegay in uu tanaasulay ka dib markii uu arkay Xaaladda maanta ay ku sugan tahay Puntland.