Cabdiwali Gaas oo Xaaskiisa u rabo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe

Reading Time: < 1 minute

Madaxaweynaha Dowlad  Goboleedka  Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa waxa uu mudo dhowr bilood ah olole ugu jiray in xaaskiisa Marwo Hodan Saciid Ciise loo magacaabo Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdiwali ayaa waxaa uu balan kula galay Madaxweyne Farmaajo in xaaskiisa loo magacaabo jagadaas. Waxaa hadda ah gudoomiyaha Bandiga Dhexe Mudane Bashiir Ciise oo ay isku beel yihiim Cabdiwali Gaas.  Ma aha markii ugu horeeysay uu Cabdiwali Cali Gaas xaaskiisa u raadiyay jagadaas. Xiligii Madaxweyne Xassan Shiikh waxa uu isku dayay in xaaskiisa jagadaas la siiyo balse MD Xassan Shiikh ayaa ku gacan seeray codsigaas.

Inkastoo Madaxweyne Farmaajo go’aansaday in uu meelmariyo codsiga Cabdiwali Gaas , ayaa hadana waxaa is hortaagay  Ra’isal Wasaae Xassan Kheyre iyo  Fahad Yassin.  Arintaan ayaa waxaa ay dhalisay colalad hor leh oo dhextimaado Kheyre iyo Gaas. MD Farmaajo ayaa u muuqado mid aan taabagalin karin heshiiskii uu la galay Gaas.