Cabdiwali Gaas oo magaaladda Doha shirar qarsoodi ah kula galay sirdoonka Qatar? Maxaa is badalay?

Reading Time: 2 minutes

Siyaasadda Soomaaliya oo maalimba maalinta ka danbeeysa sii galeyso xaalad cakiran ayaa waxa sidoo kale muuqata in siyaasiyiinta Soomaalida ay bilaabeen inay sameeyeen dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo ka duwan kii horay loogu yiqiinay.

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa mudo  ka badan asbuuc waxa uu ku sugnaa dalka Qatar isaga oo halkaas kulamo qarsoodi ah kula lahaa qaar kamida saraakiisha Sirdoonka dalkaas iyo madaxda qaabiilsan arimaha Soomaaliya.

Cabdiwali Gaas ayaa  ahaa nin difaaca  danaha dalaka Imaaraadka Carabta ay ka leeyihiin dalka Soomaaliya. Waxaa uu dhaqaale badan ka soo qaadan jiray dalka Imaaraadka Carabta taas uu suugaragalisay in uu ku soo jiro siyaasada dalka Soomaaliya.

MOL wali ma heli xog rasmi ah oo ku saabsan safarka iyo shirar qarsoodiga ah ee uu Cabdwali Gaas kula yeeshay magalaadda Doha mas’uuliyiinta ka tirsan dalka Qatar, laakiin warar hordhac ah oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in Cabdwali Gaas uu doonayo inuu dabada lagalo dalka Qatar.

Dhanka kale, waxaan wali kala cadeynin in lagu qanciyay Cabdiwali Gaas  inuu si dadban u taageero Farmaajo isaga oo ka soo horejeeda  Saciid Deni ama uu isagaba ka dhex arkay danihiisa gaarka.

Si kastaa oo ay noqotee, dhawaan ka filo MOL, xogag dheeraad ah oo ku saasabsan heshiiska hoose uu Cabdiwali Gaas la galay sirdoonka dalka Qatar. Waxaa horay halkaas si dhuumaaleeysi ah u tagay Xasan Cali Kheyre iyo qaar kale oo kamida siyaasiyiinta Soomaalida.

Dhowr asbuuc ka hor ayaa ay ahayd markiis Shiikh Sharif habeen saq dhexe ah uu tagay guriga safiirka Qatar uu ka degan  yahay Muqdisho isaga oo ka dhuumanaya in lagu arko tagitaanka uu tagay halkaas. Wararka qaar ayaa sheegaya in Fahad Yasin uu fududeeyay kulanka Safiir Xamsa iyo Shiikh Sharif, Fahad Yasin.

Shiikh Sharif ayaa caruurtiisa iyo xaasaskiisa waxa ay qaxooti ahaan u joogaan dalka Imaaraadka Carabta  halkaas oo mudo ka badan 13sano ay dowladaas ku masruufeeysay caruurtiisa iyo hoyadii isaga oo dhashay oo Waayeel ah.

Cabdiraxman Cabdishakuur oo si joogta u eedeyn jiray, aflagaadana u mari jiray hawada dalka Qatar ayaa dhankiisa waxa uu bilaabay in uu ka gabasado aflagadada dalka Qatar isaga oo rajo kaga jirto inuu dhaqaale ka helo dalkaas.