Cabdisamad Macalin Maxamuud, oo ka shaqeynaya burburka GalMudug (Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladdii KMG  Cabdisamad Macalin Maxamuud, ayaa ka shaqeynaya sidii ay u burburi lahayd maamulka GalMudug isagoo wakiil u ah Madaxweyne Farmaajo iyo RW Kheyre.

Cabdisamad ayaa xusul duub uga jira sidii booska wasiirka beesha Ceyr looga qaadi lahaa Wasiir Sabriye oo isaga loogu dhiibi lahaa, balse si aay taa u dhacdo waxaa loo diray howsha ah in uu burburiyo maamulka GalMudug si ay Farmaajo iyo Kheyre u helaan shaqsi iyaga taabacsan in hoggaanka u qabto GalMudug.

 

Madaxweyne Farmaajo aya ku haminaayo in uu helo muddo kororsi laba sano ah, si uu taa u helanaa waa in uu ogolaasho ka helaa maamulada federaalka ah. Madaxweyne Farmaajo aya ka dhameystay Shariif Xasan iyo Cabdiwali Gaas sidii ay kulligood u heli lahaayeen muddo kororsi balse waxaa ka biyo diiday shacbiyadda Koofur Galbeed iyo Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaanan caqabad u arkin maamulka Hirshabeelle balse haddii la helo GalMudug uu u arko fursad uu ku heli karo muddo kororsi laba sano ah.