Cabdirisaaq Fartaag oo bisha Juulaay 3deeda Maxkamada Nairobi xukumi doonto

Reading Time: 2 minutes

Halkii sano ee la soo dhaafay waxaa ka socotay dalka Kenya dacwad lagu soo oogay Cabdirisaaq Fartaag, dacwadaas oo la xiriirtay been abuur uu ka samayeey dad Soomaaliyeed oo isugu jira ganacsato, aqoonyahano iyo xirfadlayaal. MOL oo   nuqulka dacawadiisa ka soo heshay maxkamada Naiorbi ayaa  cadeynayso nooca dacwada nooca dawada lagu soo oogay.

Dacwadaan ayaa waxaa dhagaysigeeda qaaday Maxkamada Magaalada Nairobi iyada oo dhageeystay dacwad ay soo gudbiyeen qareeno magac weyn ku leh dalka Kenya qaarkoodna ay horay wakiil uga soo noqdeen Madaxweynaha Dalka Kenya iyo qaar ka mida idaacadaha waaweyn ee ku yaalo dalka Kenya.

Cabdirisaaq Fartaag oo  oo leh hay’ad sameeysa cilmibaaris ayaa fadhigeedu yahay magalaada Nairobi, hay’adaas ayaa waxa ay ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya. Fartaag ayaa horay u soo saaray qoraalo uu ku sheegay in  ay salka ku hayaan cilimaaris uu sameeyay laakiin sida ay sheegeen dad u dhuun daloola qoraaladiisa,  ayaa sheegay in qoraalada uu soo saaro  ay intooda badan   gadaal ka riixayaan dad ajnabi ah oo lacag ku siiya soo saarida qoraaladaas.

Mid ka mid Diblomaasiyiinta ku nool dalka Kenya ayaa u sheegay MOL in Fartaag uu “nolol ka sameeyo ceebeynta iyo been ka sheegida dadka Soomaaliyed”.

Fartaag ayaa balantii Maxkamada ee dacwadiisa u qabatay kuna beegnayd bartamaha bishii  Maajo ee sanadkaan  soo xaadiri waayay taas ayaana waxa ay u fududeysay xaakimkii maxkamada in uu dusha ka saaro danbiyada lagu soo oogay dhamaantood.

Horaantii asbuucaan ayaa waxa Maxkamada Nairobi ku wargalisay Cabdirisaq Fartaag in xukunka maxkamada dacwadiisa  uu dhici doono bisha Juulaay 3deeda hadiii uu soo xaadiri waayana la soo xiri doono. Qareenada la socda dacwadaan ayaa MOL u sheegay in xaakimka qaadayo dacwada uu xabsi u diri doono Cabdirisaaq Fartaag isla markaana uu uu ku  xukumi doono in uu bixiyo lacag magdhaw ah iyo raali galin uu caalamka la wadaagayo.

Cabdirisaaq Fartaag ayaa ku dhawaaqay in uu musharax u yahay jagada madaxweynanimada ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo dhici doonta bartamaha bisha Agoosto ee sanadkaan. Lama yaqaan sida dacwada uga furay dalka Kenya ay u saameyn doonto doorashadiisa