Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo markale ku guuleystay Kursiga Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad goboleed ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa maanta Magaalada Beledweyne ku qabtay dooorashada kursiga HOP#011, kaas oo uu ku guuleystay Cabdrisaaq Cumar Maxamed oo kursigaan horay ugu fadhiyay.

Xalay ayay qorsuhu aheyd in doorashada la qabto, balse oo joojiyay sababo la xiriira qaraxyadii ka dhacday Beledweyne, waxaana ku tartamay Cabdrisaaq Cumar Maxamed & Maxamed Tuure Barrow, waxaase ku guuleytay Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya Cabdrisaaq Cumar Maxamed oo helay 55 Cod halka musharixii la tartamayay ee Maxamed Tuure Barrow uu helay 46 Cod.

Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya ee markale loo doortay kursiga Xildhibaan oo goobta doorashada ka hadlay ayaa sheegay in kursigaan faragelin ay uga imaaneysay dhinacyo kala duwan balse taasi ay suurto geli weeysay.

Sidoo kale waxaa uu ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Beledweyne sigaarah qoyska Xildhibaan Aamino Maxamed, isaga oo u mahad celiyay ergadii dooratay.

Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Magaalada Beledweyne weli uga harsan kuraas kale halka Magaalada jowhar ay taallo ilaa 5 kursi, kuwaas oo la filayo in dhawaan doorashadooda la qabto.