Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo Shegay In Villa Soomaaliya Cid Walba Ay Weerartay Xitaa Jawaari,Yaa Xigi Doono?

Reading Time: < 1 minute

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilay Siyaasada Madaxda Somalia ee iminka lagu shaqeeyo.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa si gaara uga hadlay Mooshin la sheegay in laga gudbiyay Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaa oo xiisad iyo kala jab ka dhex abuuray Xildhibaanada baarlamaanka.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur, ayaa sheegay in Mooshinka Jawaari ka hor ay jireen dagaalo lala galay Madaxda Maamul goboleedyada ,Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada qaar ee Golaha Shacabka, isaga oo ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan Madaxda dalka ugu sareysa.