Cabdirahman Maxamed Sheekh oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay HOP 70

Reading Time: < 1 minute

Gudigga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa shaciyay Natiijada Hordhaca ah ee kursiga tirsigiisu yahay Hop-070.

Guddiga ayaa shegay in Cabdirahman Maxamed Sheekh uu ku guuleystay xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo kaa oo helay 71 cod, halka Murashaxii la tartamayay uu isna helay 14 cod.

Gudigga ayaa sidoo kale shegay in ay halaabeen 13 cod, Ergadda soo Xaadirtay ayaa sidoo kale ahaa 98 qof.

Doorshadda kursiga labaad ayaa lahudda galay, waxaana maanta qorshuhu ahaa in laqabto labo kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS.