Cabdikarin Buux oo qeeyb ka mid ah Shaqooyinka Baarlamaanka u gacan-geliyay Xukumada Kheeyre (Ogoow Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo shalay si rasmi ah loo furay kala-fadhiga 5aad ee golaha shacabka ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in awoodii baarlamaanka qeeyb ka mid ah loo safriyay xafiiska R/wasaare Xassan Cali kheeyre.

Xafladii shalay ayaa waxaa la geeyay dhowr wariye oo lagasoo xulay wasaarada warfaafinta iyadoo la diiday wariyayaashii ka socday warbaahinta qaarkood,waxaana shaqadaasi loo wakiishay Wasaarada warfaafinta ka dib markii buux u gacan geliyay kheyre.

Cabdikarin Xaaji Cabdi Buux oo ah xoghaayaha Baarlamaanka ayaa waxaa uu Agaasimaha Warfaafinta ee baarlamaanka ku wargeliyay in shaqadooda ay qaban doonto wasaarada warfaafinta islamarkaana loo madax banaaneeyo warbaahinta xafladaasi loogu yeeraayo.

Arrintaan ayaa waxaa ay dhalisay in ay gadood-sameeyaan shaqaallaha qaar kuwaasi oo ka carooday in laga dhigo kuwa aan jirin.

Qaar ka mid ah howl-wadeenada Baarlamaanka ayaa MOL u sheegay in Cabdikarin Xaaji Cabdi Buux uu arinkaan waji ugu raadsanaayo R/wasaare xassan cali kheeyre.