Cabdikariin Guuleed oo aan La Gabban inay Xal tahay in la Boobo Doorashada SL.

Reading Time: < 1 minute

MW hore ee Galmudug, ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey doorashadii maanta ka dhacday Afisyoone ee guddoomiye ay ku doorteen garab ka mid ah guddiga doorashada xildhibaanada Somaliland, waxayna taasi kor u qaday shaki laga qabay inuu Cabdikariin ku hoos jiro Fahad iyo Farmajo.

Guuleed ayaa sidoo kale amaanay dadaallada RW Rooble ee ku aadan xal u helidda khilaafka hareeyey siyaasiyiinta Somaliland ee ku aaddan guddigan, laakiin Guuleed oo laba jeer oo hore soo fashilay marna ma sheegin caddaallad darrada lagu sameeyey dhinaca uu hogaaminayo Gud. Cabdi Xaashi.

Cabdikariin oo Qoslaya ayaa si farxad leh u yiri “Shaki kuma jiro in doorashadu ay u baahneyd isla ogol iyo isku tanaasul waxaana cad in dadaal badan lagu bixiyey sidii doorashada goballada waqooyi ee Somaliland ay u noqon laheyd mid dheelitiran,” Laakiin Guuleed ma sheegin inaysan dheellitirneyn oo loo sed buriyey dhinaca uu yoolkiisu yahay inuu ugu dambeynta ay wada tagan isaga iyo RW Rooble oo ay isku shaqo u hayaan Farmajo balse ay waddooyinka  loo marayo u kala duwan yihiin.

Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa xubnaha Guddoonka Guddiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta la doortay. Waxaan ku boorrinayaa xubnaha guddoonka la doortay in ay dardargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Waxay ku dhamaneysaa hadalkii Mahadi Yatakabaruu ee ahaa ‘Wareegga Koowaad ayaan Farmajo ku Soo saareynaa” Balse la arki doonee in sidaan loo ogolaado Rooble La helow iyo Mahdi Yatakabaruu ama dibloo soo celiyo ciidankii Badbaado Qaran oo u muuqda mid loo baahan yahay.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!