Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey Oo Sheegay In Deeganada Puntland Ay Kusoo Korortay Tirada Ajaaniibta

Reading Time: < 1 minute

iyadoo dhalinyarada ku nool deeganada maamulka puntland ay walaac xoogan ka muujiyeen shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta deeganada maamulkaasi oo ay sheegeen in shaqooyinkii ay qaban lahaayeen ay qabtaan dad ajaanib ah oo iyagu u soo shaqo tagay deegaanada puntland

Madaxweyne kuxigeenka maamul gobaleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Cumar Camey oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay korortay tirada ajaaniibta dalka soo galeysa.

Waxa uu sheegay in Hal sano gudaheeda ay degaanada Puntland yimaadeen tiro ajaaniib ah oo aad  ufara badan taasina ay keeneyso in ay ka bataan dadkii u dhashay dhulkaasi hadii aan xad loo sameynin soo galootiga ajaanibta ah.

Waxa uu amray in hay’adaha amniga ay qabsadaan shaqooyinkooda oo si dhab ah ay u hawlgalaan, ajaaniibta ayuu ugu baaqay in ay soo maraan wadada sharciga ah.

waxa uu sidoo tibaaxay in shaqooyinka ay qabaan lahaayeen dhalinyarada ay haatan qabtaan ajaanib aanan u dhalan dalka taasina ay horseedi karta in dhalinyarada ay ka tahriibaan dalka.

“Wadan la iska galo oo sida la doona la iska yeelo ma jiro, hada waxaa dowladda qasab ku noqotay inay kontoroosho dadka soo galootiga ah, wixii hore walaaltinimo ayay aheyd, waxaa muhiim ah in lala socdo dadka soo galaya dalka”. ayuu yiri Madaxweyne kuxigeenka Puntland.

sikastaba ha ahaatee hadalka madaxweyne ku-xigeenka puntland ayaa imanaya xilli shacabka ku nool deegaanada maamulkaasi ay ka cabanayaan soogalotiga kusoo qulqulaya deeganada maamulka puntland.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!