Isaga oo wareysi dhinacyo badan taabanayay siiyay warbaahinta Cabdi xakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey madaxweyne ku xigeenka maamulka puntland ayuu sheegay inuu ka digayo doorashada madaxtinimada ee ku soo wajahan puntland in la musuq maasuqa islamarkaana ay dhacdo doorasho aanan lagu kalsooneyn.
Mr camey ayaa shaaca ka qaaday in musharaxiinta u taagan qabashada hogaanka puntland ay walaac ka muujinaayaan doorashada dhici doonto bilowga hore ee sanadka soo socda maadaama buu yiri guddiga doorashada ee puntland lagu xaglinayo madaxweynasha haatan tallada haya ee cabdi weli Maxamed cali gaas.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay madaxweyne cameey in loo bnaahanyahay doorashada puntland inay u dhacdo si xor ah oo xalaal ahi taababdalkeedane lagu kalsoonaan karo.
Musharaxiinta haatan u taagan qabashada maamulka puntland ayaa ku eedeenaya in cabdi weli Maxamed cali gaas madaxweynaha puntland inuu la dagay siyaasadda iyo hantida shacabka ku nool deegaanada puntland hayeeshee sameeyaynwax waliba oo uu arko danahiisa gaar ka ahi sida la sheegay.