Cabdi Xaashi oo ka horyimid go’aanka RW Rooble ee doorashada Aqalka Sare

Reading Time: < 1 minute

Warmurtiyeed ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ayaa gabi ahaabna looga soo horjeestay go’aanka uu kaligiis qaatay RW Rooble kaas oo lagu sheegay in uu ka shaqeeynayo dano u gaara ah  isaga iyo Farmaajo.

Daqiiqado ka hor ayaa ay ahayd markii guddiga doorashooyinka heer Federaal  ee garabka Mahdi Gulled ay shaaciyeen waqtiga ay dhaceyso doorashada Guddoonka Guddiga doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ee Gobolada Waqooyi.

Qoraalka ayaa lagu shaaciyay in doorashada Guddiga Somaliland ay dhici doonto maalinta Sabtida oo taariikhda ku beegan tahay 7-ka bishaan ayna ka dhici doonto Teendhada Afisyooni.

Halkaan ka aqriso qoraalka ka soo baxay Galaha Siyaasiyiinta Somaliland: