Cabdi Wali Mudey oo Bilabay Dagal Ka Dhan Ah Xasan Cali Kheyre Iyo Khilaafka Xukumada Iyo Muudey oo Banaanka Iskenay

Reading Time: < 1 minute

Ilo ku dhaw dhaw Xafiiska Cabdi Wali Mudey aya waxay sheegeyan in haatan uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Waxay xogta sheegeysaa in Xasan Cali Kheyre uu sabab u ahaa khilaafka cusub ee kala dhaxeeya Mudeey, kadib markii uu ka baxay ballamo horey loola galay.

Rw/Kheyre aya ka baxay balamo dhowr ah oo uu Mudey watay waxana kulamidi ugu danbeysay ee Golaha Shacabka laga dheehanayay mid careysan,madaama uu sabab u aha in Mursal uu badalo Jawaari.

Waxay taasi keentay in khilaaf adag uu soo kala dhexgalo Labada dhinac, waxaa maalmahan dambe soo badatay eedeynta Muudey ee ku aadan dhanka Kheyre.

Ilo xog ogaal ah aya ino shegaya in Muudeyy uu hada billaabay Dagaal culus oo ku wajahan Kheyre iyado Dagaalkiisu uu manta ka dhex bilaabay Xarunta Golaha Shacabka waxana Socda dadaalo ku adan in Mooshin ka dhan ah Xukuumada la gudbiyo.