Cabdi Wali Gaas oo Shaki Galiyay Doorashada Sanada So Adan ka Dhici Doonta Puntland

Reading Time: < 1 minute

Waxa sanada soo adan lagu wada in Deganada Puntland ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulkaasi,iyadoa Musharaxiin dhowr ah ay ku loolamayaan.

C/weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay arrimaha doorashada la filayo in ay ka dhacaan Sanada 2019-ka deegaanada maamulkaasi ayaa shaki galiyay nuuca ay noqoneyso doorashadaasi.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in xilligan uusan shaacin karin qaabka ay noqoneyso doorashadaasi oo markii hore loo qoondeeyay doorasho Qof iyo Cod ah.

Waxaana uu tilmaamay in noqon karto laba nuuc midkood doorasho Qof iyo Cod ah iyo in ay codeeyaan Xildhibaanada maamulkaasi.