Cabdi Wali Gaas oo Qalalaase Ka Dhax Wada Golaha Aqalka Sare ee Dalka

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno xarunta aqalka sare ee barlmaaanka soomaaliya oo maalmihii ugu danbeysey ka doodaaye Xeerkii dalka looga mamnuucay shirkadda DP World oo xildhibaanada ku kala aragti duwanaayeen aya shegaya in Cabdi Wali Gaas uu Qas xoogan ka wado kulankaasi.

Maamulka Puntland ayaa la shegay in uu horkacayo maamulada diidan in xeerkan uu meel maro maadaama uu heshiis lagu balaarinayo dekeda Boosaaso kula jiro shirkadda DP World, waxaana maalintii labaad aqalka sare ka socda dooda ku aadan xeerkan.

Xeerka dalka looga mamnuucay shirkadda DP World oo horey muran iyo khilaaf uga dhex dhaliyey dowlada Somalia iyo Maamulka Somaliland ayaa hadda u muuqda in khilkaafka ka dhashay uu ku soo fiday labada aqal ee Baarlamanka.