Cabdi Wali Gaas oo Logaga Digay Qorsho uu Ku Doonayo Mudo Kordhin Lo Sameeyo

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaano ka Tirsan Guddiga joogtada ah ee barlamaanka Puntland ayaa meesha ka saaray qorshe muddo kordhin Hal Sano ah oo ay raadinayso xukuumada madaxweyne Gaas, taasoo ku fashilantay inay Puntland gaarsiiso nidaamka xisbiyada badan.

Xildhibaan katirsan guddiga joogtada ee barlamaanka Puntland, oo lagu magacaabo, Maxamed Axmed Jaceel ayaa bartiisa facebook soo dhigay war uu ku beeninayo in haba yaraatee inaanu barlamaanku aqbalidoonin wax muddo kordhin oo madaxweyne Gaas loo sameyn karo.

Madaxweyne Gaas aya la shegay in uu doonayo inuu Puntland galiyo xaalad dagaal oo uu ku doonayo inuu kusoo celiyo gobolka Sool, haddii uu ku guulaysto waxay ahaandoontaa dariiq fudud oo muddo kordhin ku sameyn karo.

Siyaasiiinta mucaaradka ah ee la magac baxay Puntland Focus group ayaa ka digay iskuday kasta oo uu madaxweyne Gaas waqtiga ku korarsanayo, iyagoo sheegay inay arrintaas horseedi karto inay Puntland lugaha la gasho xaalad dagaal iyo amni xumo.