Cabdi Raxmaan Ciro oo DP World ku edeeyay Sicir Bararka ka Jira Somaliland

Reading Time: < 1 minute

Kadib shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaaliland guddoomiyaha Xisbiga Mucaaraadka Wadani ee maamulkaasi C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa waxa uu uga hadlay arrimaha sicir bararka ee ka taagan maamulkaasi Soomaaliland.

C/raxmaan Cirro ayaa xusay in sicir barar ballaaran uu haatan ka jiro deegaanada Soomaaliland, taasina ay sababteeda qeyb ka tahay shirkadda Dp World ee lagu wareejiyay maamulka Dekedda Berbera.

Sdoo kale waxa uu sheegay in shirkadaha Qaadka geeya deegaanada maamulkaasi ay kaalin weyn ku leeyihin sicir bararkaasi, kuwaas oo uu tilmaamay in wax Akoona ah aysan ku lahayn Bankiga Dhexe ee Soomaaliland.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Xisbiga Wadani C/raxmaan Cirro ayaa ku eedeeyay madaxda S/land in ay indhaha ka laabteen wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi.