Cabdi qeeybdiid oo Mas’uuliyad loo dhiibay Gal-mudug la tegi La’a Dastuurkiina u bedelay mid ku shubo ah (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Sida MOL ay ogaatay Senator Cabdi Xassan Cawaale qeeybdiid oo ah gudoomiyaha Gudiga Dastuurka ee Labada golle ayaa waxaa uu hada dhex-dabaalanayaa fashilkii ugu xumaa,iyadoo kaligiis howsha looga wada siibtay ama looga baxay.

Cabdi xassan cawaale qeeybdiid oo horay usoo noqday Madaxweyne Maamulka Gal-mudug intii aan si rasmi ah loo unkin ayaa waxaa oo meereeysanayaa Maamulada Jubbaland iyo Puntland,waxaana u suura-geli la’a in uu maalin qura geeyo dhulkiisa Gal-mudug.

Senator Cabdiraxmaan sheikh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayeey wararku sheegayaan in uu si hoose uga baxay xubnaha gudiga iyadoo Qeeybdiid kaligiis loo daayay si uu u qaato ceebta ka taagan arrimaha Dastuurka.

Dad badan ayaa waxaa ay qabaan in Senator Cabdi Xassan Cawaale qeeybdiid ku fashilmay arinkaan islamarkaana loo geliyay arrin uusan xamili Karin oo tankiisa aheeyn.

Waxaa ceeb ah inaad maalin walbo lasoo taagnaato Dastuurka ayaan qaabeeynayaa islamarkaana aadna dhulkaaga la tegi Karin talo arrinkaan la xariirta.