Sanator Cabdi Cawaale Qaybdiid oo shalay ka soo noqday Magaalada Dhuusamareed oo uu kulan kula soo qaatay Madaxweyne Axmad Ducaale Xeef iyo madaxda kale ee DG Galmudug ayaa ka mid ahaa gudiga Aqalka Sare ee loo diray in ay soo xaliyaan ama talo ka keenaan sidii xal loogu heli lahaa qalaalasaha siyaaseed ee ka dhex jira Dowlada Dhexe iyo Dowlad Goboleedyadda. Mudane Cabdi Qaybdiid iyo wafdigisii oo shir kula jira madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug oo ay meel fiican u marayso dhex dhexaadintoodii ayaa waxaa ay internetka la soo dhigay qoraal uu soo dhigay MW Farmaajo bartiisa bulsha ee loo yaqaan “Twitter” kaas oo uu ku martiqadayo dhinacyadad isku heysta DG Galmudug in ay yimaadan Xamar si loo wada hadalsiiyo.
Talabadaan ayaa fajax iyo yaab ku noqotay Cabdi Qaybdiid iyo wafdigii uu watay. Waxaana ay ugu muuqtay in RW Kheyre iyo MW Farmaajo ayan rabin in xal laga gaaro qalalaasaha siyaaseed ee ka jira deegaanka Galmudug. Cabdi Qaybdii oo xanaaqsan ayaa u sheegay madaxda DG Galmudug in Dowlada Dhexe ayan nabad la rabin dadka Somaliyeed. Waxa uu yiri “labadaas nin (Farmaajo iyo Kheyre ) oo midna aan midka kale dhaamin ayaa dalka bohal ka ridayo, mana doonayaan in nabad la helo ee dadka Somaliyeed ha ka tashato”. Dhanka kale Madaxweyne Xeef ayaa u sheegay Wafdiga aqalka sare in dhaqanka Farmaajo iyo kan Khere uu yahay mid ka soo horjeeda danta iyo dadka reer Galmudug. waxa uu yiri ” waxaana dhaqankaas maanta marqaati ka ah qoraalka hadda uu soo dhigay Twitter-ka, ilaah baan idinku ddaarshee ma labadaas nin ayaad aamini kartaan oo talo idinka yeelayo”