Cabdi Maxamuud Cumar oo Ka Hadlay Maxabiis Laga Si Dayay Xabsiga Jeel Ogadeyniya

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay Xukuumadda inay cafisay Maxaabiis badan.
Mas’uuliyiinta Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay xabsiga ka sii daayay ku dhawaad 1,500 Qof oo ka tirsan Jabhadda Mucaaradka ah ee ONLF ee ka dagaallanka dhulka Soomaalida Itoobiya.
Wuxuu sheegay Maxaabiista la sii daayay in ay isugu jiraan qaar dhameystay waqtigoodii iyo qaar kale oo ka mid ahaa ururada Nabad Diidka, wuxuuna tilmaamay in shaqo abuur loo sameynayo.

Dadkaan faraha badan ayaa laga sii daayay Xabsiga Jeel Ogaadeeniya ee Magaalada Jigjiga ee Xarunta ay ku shaqeyso dowlad deegaanka Somalida dalka Itoobiya.

Siideynta Maxaabiistaan ayaa lagu soo beegmay xilli wadahadal qaatay maalmo badan ay yeesheen ONLF iyo sidoo kale dowladda Itoobiya.