Cabdi I. Samatar: “Farmaajo waxaa iska leh Fahad Yasin oo ku shaqeysta” (Daawo VIdeo)

Reading Time: < 1 minute

Aqoonyahanka caanka ah ee Cabdi I Samatar ayaa wareeysi uu siiyayay mid ka mida Teleefishanada ku hadla afka Soomaaliga ayaa sheegay in ayan ka jirin Soomaaliya dowlad madaxbanaan oo laga filan karin in ay dalka ka saarto dhibka uu ku jiro.

Professor Cabdi ayaa sheegay in uu ka jira dalka Soomaaliya waxa uu ugu yeeray nin milkiila ah oo aaminsan in uu leeyahay Madaxweynaha iyo Dowlada Soomaaliya. Waxa uu sheegayin uu Fahad Yasin u lacag ka soo qaatay dalka Qatar uu iibsaday Farmaajo iyo dowladiisa. Waxa uu intaas ku daray in labada nin ee Farmaajo iyo Kheyre ayan labadaba gaari karin go’aan balse ay ka amar qaataan ninka Milkiilaha dowlada Soomaaliya.

Hadalka ka soo yeeray Professor Cabdi Samatar ayaa waxa uu ka tarjumayaa dareenka runta ee ka jira dalka Soomaaliya kaas oo ah ilamaa dalka laga qabto Fahad Yasin in Soomaaliya khatar ugu jirto in dib ugu noqoto dagaal sokeeye.

Halkaan ka daawo wareysiga Samatar: