Cabdi Casiis Xildhibaan oo u Goodiyay Ganacsatada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Cabdicasiis Xildhibaan oo warbaahinta kula Magaalada Muqdisho ayaa digniin culus u diray Ganacsatadda Soomaaliyeed isago sheegay in qaarkood ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ganacsatadda garoomada Muqdisho aysan xirikarin, islamarkaana cidii qaadata Amarka Al-Shabaab in laga qaadi doono tilabaabo.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliyaayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku hayaan Liiska Ganacsatado Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay lacag siiyaan Al-Shabaab.

Waxaa uu xusay in garoomadda Muqdisho oo dhawaan ay xireen Al-Shabaab in uu ku baaqayo in la furo, maadaama Al-Shabaab aysan ka talin Magaalada Muqdisho.