Cabdi Bare: Xildhibaanada meel mariyay rabitaankii Kheeyre iyo Farmaajo waxeey ku dhaceen halaag siyaasadeed”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan hore cabdi barre yuusuf Jabriil oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in xildhibaanda baarlamaanka federaalka ah ee soomaaliya ay galeen qiyaano qaran tii ugu weeyneed,waxaana uu sheegay in mustaqbalka ay ku qormi doonto taariikh madoow ah.

Madaxweynaha dowlada federaalka ah ee soomaaliya iyo r/wasaare xassan cali kheeyre ayaa waxaa uu ku eedeeyay in aysan marnaba dan ka laheeyn dalkaan oo ay kusii ridayaan bohol-weyn sida uu yiri’Xildhibaanada meel mariyay rabitaankii Kheeyre iyo Farmaajo waxeey ku dhaceen halaag siyaasadeed”

Halis weeyn ayuu sidoo kale ku tilmaamay ninka cadaan-ka ah ee la sheegay in loo dhiibaayo Bank Dhex,kaasi oo la tuhmaayo in uusan wax aqoon ah u laheeyn Maamulka Bankiga.

Shacabka soomaaliyeed iyo Xildhibaanada ayaa waxaa ay ka dheregsan yihiin qiyaanada kooxda hada heeysa Maamulka dalka,hase’yeeshee waxaa ay ogsoon yihiin ay difaac iyo daba-dhilif u yihiin xildhibaano badan kuwaasi oo siyaasada qarda-jeex kusoo galay

https://youtu.be/bP7jKj2YaSI