Guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada, ayaa kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhaxe ee Xamar. Waxaa xabsiga dhaxe ee Xamar ku soo dhaweeyay, taliyaha xabsiga dhaxe Daahir Cabdulle Raage.
Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ayaa waxa la soo daristay xaalad adag oo ku saabsan noloshooda iyaga oo aan helay xuquudii ay ku lahaayeen dowlada federaalka. Qandaraaska Raashiinka Maxaabiista ayaa la siiyay shaqsiyaad iyo ganacsato gaar ah kuwaas oo aan siinin maxaabiista cuno u qalanta lacagta lagu siiyay inay quudiyaan maxaabiista.
Guddiga ayaa soo kormeerey dhammaan qeybaha kala duwan ee xabsiga, waxayna maxaabiista ka dhageysteen cabashooyinkooda la xiriira xuquuqdooda Aas-aasiga ah oo ay xaqa u lahaayeen in ay helaan.
Intaas kadib, taliyaha xabsiga dhaxe ayaa warbixin ku saabsan xaaladda xabsiga iyo maxaabiista la wadaagay guddiga xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada.