Caasimadda iyo dalka guud ahaan oo maanta si weyn looga ciiday

Reading Time: < 1 minute

Maanta oo khamiis ah kuna beegan 13-ka bisha May 2021 ayaa si wayn looga Ciiday guud  dalka Soomaaliya iyo dunida Muslimka, kadib markii shalay la dhammeystiray 30-ka bisha Ramadaan. Dadka kunool Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa siweyn u Ciidaya, waxaana dadka ay isugu hambalyeeynayaan farxada maalinta koowaad ee Ciidu Fitriga, marka laga reebo deegaanada ay maamulaan Al-shabaab oo shalay laga Ciiday.

Magalaada Muqdisho ayaa waxa maanta lagu arkayay boqolaal dad shacab ah oo isugu jira Caruur, dhalinyaro, Haween iyo Odayaal, kuwaasi oo Maanta u dabadal degaya maalinta koowaad ee Ciida. Masaajida ku yaalla Muqdisho iyo magalooyinka maamul Goboleedyada ayaa saakay lagu tukaday saalada Ciidul Fitriga, waxaana tukashada saalada ka qeyb galay Mas’uuliyiin iyo kumanaan qof.