Caanood oo Yiri”Sh/hoose Argagaxiso ayaan ku dilnay”Xili Dad shacab ah la Laayay!!

Reading Time: < 1 minute

Abaanduullaha Ciidamadaa Xoogga Dalka Jen. C/llaahi Cali (Caanood) ayaa sheegay in weerarkii ay wadajirka u fuliyeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay Gobolka Sh/Hoose lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab.

Jeneraal Caanood oo wareysi siiyay Idaacadda Ciidamada ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Howlgalka iyo Duqeynta diayaradeed ay ka dhacday meel u dhaw degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsan maleyshiyada Al-shabaab

Magacyada horjogayaashaasi ayuu ku kula sheegay: Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale) 2- Yuusuf Macalin Cabdalla iyo horjooge Muuse Cali oo ku magac dheeraa (Muuse Gaabow). Wuxuu intaas ku daray Jen. Caadnood in howlgalka burburiyey 4 Goobood oo Al-shabaab saldhigyo ku lahaayeen.

Dhinaca kale meydadka 5 ruux oo shacab ah iyo 5 dhaawac ah oo weerarkaasi wax ku noqday ayaa la keenay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka degaanka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ay ku doodayaan in shacab ah lagu laayey weerarlka