Waxaa guud ahaan dunida Islaamka iyo dalalka ay ku nool yihiin dadka muslimiinta maanta looga dabaal-dagayaa munaasabadda Ciidda Carrafo. Inkastoo saacadaha wakhtigu kala duwan yihiin daafaha dunida, haddana si isku mid ah ayaa muslimiintu ugu dabbaal-degayaan munaasabadda Ciidda.
Dalkeena Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha sida weyn looga xusayo munaasabadda Ciidda Carrafo, iyadoo dadweynuhu Salaadda ciidda ku oogeen guryaha iyo masaajidda. Ciidda Carrafo ayaa sannadkan ku soo beegmatay iyadoo hoos u dhac laga dareemayo heerka xanuunka COVID-19 ee gudaha Soomaaliya.