C/xakiin Cameey oo loo Magacaabay Safiir (Ogoow sababta)

Reading Time: < 1 minute

Golaha Wasiirada ayaa maanta Safiir u magacaabay C/xakiin C/llaahi Camey, Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland.

Lama shaacin dalka Safiir ahaan loogu magacaabay, balse Golaha Wasiirada ayaa meel mariyay magacaabida Safiirnimo ee Eng. C/xakiin Camey, kaddib soo jeedin ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Magacaabida Safiir ee Madaxweyne kuxigeenkii hore ee Puntland ayaa loo arkaa mid loogu abaal gudayo sida dhow ee ula shaqeeyay dowladda Madaxweyne Farmaajo iyo sida uu uga soo horjeeday siyaasadda Madaxweynihii hore ee Puntland C/weli Gaas iyo dhismihii Golihii Iskaashiga dowlad goboleedyada