Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Xaaji Cumar Camey oo ka hadlayay magaalada Garoowe ee Puntland ayaa sheegay in looga baahan yahay Ummadda Soomaaliyeed in ay dhawrto midnimada iyo wadajirkeeda islamarkaana Maamuladu ay u Hogaan-samaan Awaamiirta Dowladda Dhexe
Madaxweyne kuxigeenka ayaa sheegay in looga baahan yahay cid kasta oo kamid ah dhinacyada Soomaalida in ay ilaashadaan waxa ugu yeera Iftiin yar oo ku aadan sidii ummadda Soomaaliyeed ay ku gaari lahayd midnimo & Wadajir wanaagsan.
Maamul Goboleedyadda Hogaamiyayaashooda ayuu ugu yeeray in ay yihiin kuwa Duminaayo Iftiinka Nabadda Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay,Waxaana Wararku ay sheegayaan in Dowlada dhexe ay Riixeeyso Cameey oo Khilaaf kala dhaxeeyo C/wali gaas
madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali gaas ayaa waxaa ay arintaani ku noqoneeysaa Dhabar-jab weeyn waxaana suuragal in Heshiiskii Imaaraat-ka ee u gaarka ahaa gaas Dood Culus ay ka dhalato