C/weli Gaas Oo Kulan Aan Caadi Aheyn isugu yeeray Golahiisa Wasiirada

Reading Time: < 1 minute

Kulan deg deg ah ayaa waxa uu ka socdaa Magaalada Garowe kaas oo udhaxeeya Madaxweynaha Puntland C/weli Cali Gaas iyo Golihiisa Wasiirada.

Wariyeyaasha ayaa kulanka dibad joog ka ah,waxaana adag in xog badan laga ogaado waxa kulankaasi looga arinsanayo.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in Kulanka uu yimid markii Madaxweyne Gaas uu codsaday Wasiirada inay Kulan Caadi aheyn iskugu yimaadaan.

Waxa laga hadlayaa sida hordhaca lagu ogaaday Xaalada Siyaasadeed Ee dalka,Shirkii Kismaayo iyo Wixii kasoo baxay uu Gaas la wadaagayo Golihiisa Wasiirada,Puntland oo Ka fekireysa Tallaabada ay qaadeyso Xiriirka Dawlada Dhexe maadaama jawiga uu sii cakirmayo iyo Arimaha Doorashada Puntland Diyaar garoowgeeda oo laga hadlayo.

Warbaahinta ayaa la filayaa inay helaan Macluumaad marka uu soo dhamaado Shirkani oo ka socda Xarunta madaxtooyada Puntland Ee Magaalada Garowe.