Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Mooshinkii laga keenay Guddoomiye (Jawaari) in uu yahay mid sharci ah, isla markaana uu dhaqan galay.
C/wali Muudey ayaa sheegay in mooshinkaas uu sharci noqday markii uu qabtay, isla markaana uu saxiixay, waxaana uu tilmaamay Mooshinka sii iiyo qaabka uu u shaqeynayo uu isaga leeyahay.
“Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaa ii keenay Xildhibaano, wuxuuna sharci noqday markii aan saxiixay, oo aan fiiriyay sharciyadiisa inay dhameystiran tahay, Guddiga Joogtada u yeeristiisa anigaa is ka leh, mar hadaan aniga u yeerin sharci ma aheyn inuu fariisto, mar hadii Guddoomiyaha mooshin laga keenay, taasna muran kamaba jiro.” Ayuu yiri C/wali Muudey.
Wuxuu sheegay kulankii Guddiyada joogtada ee lagu buriyay Mooshinkii xildhibaanada inuusan aheyn mid sharci ah, maadaama uu tilmaamay in Guddiyada aysan awood u laheyn in arrintan ay go’aan ka gaaraan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Mooshinka uu buray, Sabtida wixii ka dambeeyana ay bilaabanayaan Howlaha Baarlamaanka, balse C/wali Muudey ayaa tilmaamay go’aanka kulamada Baarlamaanka inuu isaga leeyahay ilaa arrintan ay ka soo gaba gabowdo.