C/Wali Muudey iyo Maxamed Mursal oo Soo Kala Dhex Galay Khilaaf Xoogan

Reading Time: < 1 minute

Ilo ku dhaw Xarunta Golaha Shacabka aya ino shegaya in uu jiro Khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiye Maxamed Mursal iyo ku xigenkisa C/wali muudey.

Khilaafka Mudeey iyo Mursal aya si weyn looga hadal hayaa Xarunta Golaha Shacabka iyado Muudey la shegay in uu ka maqnaa Manta kala fadhiga ay yeeshen Xildhibanada Golaha Shacabka.

Cabdi Wali Muudeey aya markiisi hore ka mid aha kooxda Xukumada ee ololaha u galay in Jawaari meesha ka baxo Mursalna uu ku fadhiisto kursiga uu Jawaari baneyay.

Gudoomiyaha Cusub aya la tilmaamaya in uu haatan bilaabay qaab ka baxsan Sharciyadi Golaha iyado uu qaab awoodeysan uu ula dhaqmay Ku Xigeenadiisa,muudeyna sidaasi uu ku caroday khilafna halkaasi ka bilowday.