C/wali Mudeey Iyo Xildhibaanada Qas Wadayaasha Ah oo Ku Heshiyay In Beri Ay u Diyaar Garoobaan Kulanka Kalsoni Kala Noqoshada Jawaari

Reading Time: < 1 minute

Wararka anu ka heleyno Magalaada Muqdisho aya shegaya in Goor dhaweyd uu Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka uu Xildhibaanada uu Goor dhawed uu ukala diray fariimo uu ku balaminaayo kulan beri dhaca.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliua C/weli Ibraahim Muudey ayaa ku dhawaaqay in maalinta Berri ee Isniinta ah uu jiro kulan ay yeelanayaan xildhibaannada Baarlamaanka.

Farriin uu u kala diray goor dhoweyd xildhibaannada ayuu ku sheegay in Ajendaha fadhiga uu yahay mooshinkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka laga keenay oo loo codeynayo.

Waxaa farriintan ay ku soo beegantay iyadoo 48-kii saac ee uu danbeeyay ay socdeen wadahadalo lagu doonayey in xal loogu helo mooshinka Jawaari.