Madaxweynaha Maamulka Puntland C.wali Maxamed Cali Gaas ayaa u sheegay warbaahinta imaaraatka in uu dhexdhexaadin doono Soomaaliya iyo Imaaraatka .
Dad badan ayaa C.wali gaas ku dhaliilay Safarka uu Xiligan ku aaday dalka imaaraadka, kaasi oo lagu sheegay inuu yahay mid wiiqaya Wadajirka Soomaaliya.
Dawladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa Xumaaday Xidhiidhka u dhexeeya, Iyadoona dhowaan Dawladda Imaaraadku ay ka baxday Fadhiisimo ay ku lahayd magaalada Muqdisho.