Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka inuu kala hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka diplumaasiyaded ee soo gala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu sheegay in uu kaalintiisa ka qaatay sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirkii Wanaagsanaa ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Gaas in uu kulamo kala duwan la qaaday Madaxda Imaaraadka , islamarkaana uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin horumarinta Puntland iyo Khilaafka taagan.
Madaxweynaha Puntland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaana uu shalay dib ugu laabtay Puntland.,