C/wali gaas oo si cad u sheegay in uu yahay Musharax

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garowe ee Caasimadda maamulka Puntland kaga dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa la doortay 8 Bishii Koowaad ee Sanadkii 2014 Kii, waxaana xilka Madaxtinimadda Puntland uu haayay Muddo dhan 5 sano.

Madaxweyne Gaas ayaa maanta Garowe kusoo bandhigay Waxqabadkiisa, waxaana uu codsaday in markale loo doorto xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

Gaas ayaa ku biiraya hadda ka dib in ka badan 30 Musharax oo u taagan xilka Madaxtinimadda maamulka Puntland.

8 bisha soo socota ayaa lagu waddaa in Magaalada Garowe ka dhacdo doorashadda Madaxtinimadda maamulka Puntland.