C/wali gaas oo Kullan Isku Yeeray Gudigga Difaaca Puntland Iyo Shir ka Socda Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shir gudoominaya kulana aan caadi aheyn oo ka socda Aqalka Madaxtooyada ee Garoowe, waxaana kulankan looga hadlayaa arrimaha Dagaalada u dhaxeeya Puntland & Somaliland.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa waxaa ku sugan gudiga difaaca iyo Golaha Wasiiradda ee Maamulka Puntland, waxaana lafilayaa in uu inta uu socdo ay ka soo baxaan go`aamo kusaabsan dagaalkan cusub.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan waxa uu si cad u sheegay in dagaalka Tukaraq uu yahay mid aan joogsan doonin oo sii socon doona, isagoo sheegay in Muuse Biixi oo ka yimi Hargeysa uusan nabad ku joogi doonin gobalka Sool.

Mudadii ay socdeen kulamadaasi xasaasiga ah ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii ay qolo kasta u gaari lahayd damaceeda, Puntland waxay doonaysaa in ay qabsato magaalada Laascaanood iyo dhul kale oo ka durugsan oo ay sheegtay in ay tahay xaduudeeda.