C/wali gaas oo Digniin Culus loo Jeediyay!!!

Reading Time: 3 minutes

War qoraal ah oo ay soo saareen siyaasiin si weyn looga yaqaano Puntland horeyna u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ku jiraan Wasiiro badan ayaa looga hadlay xaaladdihii ugu dambeeyey ee Puntland iyo dibu eegista Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya.

 

Sidda lagu sheegay Nuqul qoraal ah oo ay heshay Warbaahinta waxay madashan oo la baxday Puntland FOCUS GROUP aad uga hadashay arrimaha ku saabsan welwelka ay ka qabto in Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku fakarayso mudo kororsi mudo xileedkeeda oo ay uga harsan tahay wax ka yar sannad.

Waxay ka digtay Madasha Puntland Focus Group mudo korarsi ay sameyso Xukuumadda Madaxweyne Gaas, taasi oo ay sheegeen inay jibinayso Dastuurka Puntland, qodobkiisa 79aad oo xadidaya mudo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo shan sano ah.

Madashu waxay sheegtay in haddii Xukuumadda Madaxweyne Gaas ku guul-dareysato in Doorashada ay waqtigeeda qabato ay taasi keeni karto deganaansho la’aan Siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne.

 

Siyaasiintu waxay xasuusiyeen shacabka Puntland dagaalkii Sokeeye ee 2001 illaa 2003 kaasi oo ka dhashay isku day mudo korarsi ah oo ay sameysay Xukuumadii Xilligaasi shaqeynaysay, iyadoo ay colaadda horseeday dhimasho badan iyo barakac xooggan.

Qoraalka Siyaasiintan ayay ku baaqeen la xushmeeyo laguna dhaqmo Dastuurka Puntland, oo aysan dhicin wax mudo korarsi ah lana qabto Doorashada January 8, 2019-ka, taas oo aan marnaba laga dib mari-karin.

Ammaanka mandiqada Puntland ayay ka hadashay madashu waxaana lagu dhaliilay Xukuumada talada haysa in ay ka gaabisay arrimaha Ammaanka, gaar ahaana ay dhaceen ficilo iyo weeraro ay ahayd markii ugu horeysay ee ay ka dhaceen gudaha Puntland, sidda weerarkii Argagixiso ee AF Urur.

Madashu waxay ku baaqday in la adkeeyo Amniga gudaha & Xaduudaha, sidda uu qabo Dastuurka dalka, sugida amnigana laga dhigo muhiimada koowaad, maadaama ay soo dhaw-dahay waqtiga doorashada ee Puntland 2019-ka.

Warsaxaafadeedkan waxaa kaloo lagu soo qaaday arrimaha Tukaraq oo ay Siyaasiintan si adag uga hadleen, fariin-na u direen Xukuumada uu hogaamiya Muuse Biixi Cabdi, waxayna ugu yeereen Biixi in uu ciidamadiisa kala baxo deegaanka Tukaraq oo ay qabsadeen bilowgii sannadkan, taasi haddii aysan dhicina waxay ka digeen daganaansho la’aan iyo colaad ka dhacda gobalka, masuuliyadana ay qaadayso Somaliland.

Madashu waxay ku eedeeysay Xukuumada Puntland in aysan ka jawaabin weerarada Somaliland, sidaas oo kalena aysan waxba xog ah shacabka Puntland kala wadaagin wada hadalada Dawladda Faderaalka iyo maamulka Somaliland oo laga hadlayo arrimo halis galinaya dawlad gobaleedyada iyo Nidaamka Faderaalka ee Soomaalidu ku heshiisay.

Puntland Focus Group ayaa soo hadal qaaday hanaanka dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya kaasi oo mudooyinkii dambe uu khilaaf ka taagnaa wadada loo marayo dib u eegistiisa iyo wadatashiga laga sameynayo intaba.

Waxay Madasha Puntland Focus Group ku baaqday in hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya uu noqdo mid hufan, loo dhan yahay islamarkaana ka tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

Markii dib u eegista lagu sameeyo, lana qabyo tiro, Dastuurka Federaalka waa in lagu ansixiyaa afti dadweyne, iyadoo laga talo gelinayo Somaliland.

Wixii intaasi ka horeeya, Puntland waa inay ku dhaqantaa Dastuurkeeda uu ansixiyay Baarlamaanka April 18, 2012 kaasi oo u baahan la dhowro laguna dhaqmo, iyadoo loogu adeegayo shacabka reer Puntland danahooda.

Dowladda Puntland waxaa doortay shacabka oo ay matasho, waxaana looga baahan yahay inay ku shaqeyso Dastuurka u yaalla, kaasi oo faraya inay ilaaliso amaanka xuduudaheeda iyo muwaadiniinta.

Siyaasinta soo saaray warsaxaafadeedkan oo ku soo beegmay waqti xasaasi ah ayaa ah xubno horey xilal uga soo qabtay Puntland waxayna kala yihiin.

1.Cali Xaaji Warsame oo horey u soo noqday Musharax iyo Wasiirkii Waxbarashada & Tacliinta sare ee Xukuumada Gaas.

2.Siciid Cabdullaahi Deni oo horey u soo noqday Musharax M/weyne iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah dawladda Faderaalka Soomaaliya.

3.Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday Wasiirkii maaliyada ee Xukuumadii Faroole.

4.Khaliif Ciise Mudan oo horey u soo noqday Wasiirkii Amniga & DDRta Xukuumadii Faroole.

5.Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo horey u soo noqday Musharax iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, D/hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Xukuumaddii Faroole.

6.Cabdi Faarax Juxa oo horey u soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Xukuumadii Faroole, kuna dambeeyey Wasiirka Arrimaha gudaha DF Soomaaliya ee Xukuumada Kheyre.

7.Isse Maxamuud Faarah oo horey u soo noqday Agaasimaha Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumaddii Faroole, madashana Afhayeen u ah waqtigan.

8.Xaaji Maxamed Yaasiin oo horey musharax ugu noqday Madaxweynimada Soomaaliya, Ganacsade degan Nairobi

9.Dr Maxamed Salaad Qoryooley oo ah Siyaasi

10.Maxamuud Axmed Xasan oo ah Siyaasi