C/Wali Gaas oo Baajiyay Shir Golaha Dowlad Goboleedyada dalka ee Ku Lahayeen Garoowe

Reading Time: < 1 minute

Maanta waxaa lagu waday in Magaalada Garoowe uu ka furmo shir ay lahaayeen Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha iskaashiga Dowlad Goboleedyada Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa uu dhamaadkii Bishii hore ku dhawaaqay in shirkaasi uu 20ka Bishan ka furmayo Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Goluhu ma sheegin sababta uu u baaqday shirkaasi ka dhici lahaa Garoowe hayeeshee waxaa ay u badan tahay booqashada Madaxweynaha Puntland uu ku tagayo Dalka Itoobiya .

Gaas ayaa sidoo kale booqasho ku tagi lahaa dalka isu tagga Imaaraadka Carabta hayeeshee waxaa uu u diray Wasiirkiisa Dekadaha.