C.Raxman C.Shakuur oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In uu Gudoomiye Jawaari uu Hub La Galay Xarunta Golaha Shacabka

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa goordhow bartiisa Facebook kusoo qoray hadal xasaasi ah uu ku sheegayo sababta loo leeyahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Hub la galay Xarunta Golaha Shacabka mid lagu baneysan rabo weerarkii isaga lagu soo qaaday oo kale.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ka mida Siyaasiyiinta ugu cad cad ee Mucaaradka ku ah Dowlada ayaa qoraalkiisa kooban ku sheegay in la digtoonado si aan mar kale la isku gaadin.

“Waxaan maqlayaa jawaari aya Baarlamanka hub laso galay.Tolow ma waxa lagu xalaaleysan rabaa weerarki la igu soo qaaday oo kale?
War yaan markale la is gaadin ee ha la digtoonaado”

Gudoomiye Jawaari aya maanta gudaha u gallay Xarunta Golaha Shacabka isago oo sita Ciidankiisa ilaalada iyo gaadiidkooda waxaana uu u muuqday mid difaac ka aha Ciidanka Xukuumada oo Jirdilo ka waday Xarunta iyado xita Suxufiyiin la xiray oo qalabkoodana la qaatay.