C/raxmaan C/shakuur”Farmaajo waxaa uu ku fashilmay waxyaabahii uu afkiisa ku balanqaaday”

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  oo ku sugan Magaalada London  ee dalka Ingariiska ayaa waxaa uu wareeysi siiyay Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da kaasi oo uu uga hadlay arrimo dhowr oo la xariira khilaafka ka dhex taagan asiga iyo dowlada dhexe.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaa uu sheegay in Dowlada uu hogaamiyo  Madaxweyne Farmaajo  ay ku fashilantay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay in dalka laga saaro Al-shabaab taasi oo qeeyb ka aheed balanqaadkiisii hore.

Sidoo kale waxaa uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka hadlay Madasha Xisbiyadda qaran sababtii uu u diiday in uu ku biiro,waxaana uu sheegay in uu dareensan yahay in Xisbiga Wadajir kaligiis dhaqaaqi karo.