Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa wax aan maangal ahayn ku tilmaamay in aysan dawladu ilaa iyo haatan ka hadlin weeraradii dhagar qabayaasha Alshabaab jumcihi ku waxyeeleeyay shacab badan.
Ma aha maangal iyo mid shacabka qabata in aysan dawladu ilaa iyo haatan ka hadal weeraradii dhagar qabayaasha Alshabaab ku dileen ku dhowaad 50 ruux kuna dhaawaceen intoo kale. Shacabka Soomaaliyeed wuxuu Madaxda qaranka uga fadhiyaa in ay la hadlaan lana wadaagaan.
1- Sharaxaad sidii ay wax u dhaceen iyo baaxada khasaaraha.
2- Sida ay ku dhacday in marqur ah Xaruntii Nabadsugida iyo Madaxtooyada la weeraro, iyadoo maalin ka hor Golaha Wasiirada digniin weerar laga soo saaray.
3- Sababta keentay in AMISOM xabado ku furto ciidan Soomaaliyeed, dishana qaarkood.
4- Talaabooyinka ay dawladu qaaday si ay shacabka hubanti u siiso in amnigu gacanta ku jiro, welwel kana looga saaro.
Shacabku weli wuu xusuustaa in uu halku-dhigga Xukuumadu ahaa “Isla-xisaabtan”
Waxaan tacsi mar labaad u diraynaa ehelada dadkii ku shahiiday weeraradaas. Waxaan Alle uga baryeynaa in uu caafimaad degdeg ah siiyo inta dhaawaca ah. Waxaan mar kale bogaadinaynaa geesiyada ciidanka Soomaaliyeed ee daafaca dalkooda iyo dadkooda u taagan. Waxaan shacabka ugu baaqaynaa in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa gumaadka ku haya una diidan nabad iyo xasilooni.