C/raxmaan C/shakuur oo si qiiro leh uga hadlay Dhacdadii Maanta lagu joojiyay Xaflad uu qabsan lahaa!!

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo boolis ah ayaa waxaa ay maanta is hortaageen xaflad baroor diiq ah oo uu muqdisho ku qabsan lahaa Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,waxaana la xiray hotel la damcsanaa in Baroor diiqdaasi lagu qabto wadooyinka soo galo.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay xiray waddooyinka magaalada, iyadoo baabuurta qafilan lagu jaray dariiqyada hotelka u dhaw si aan looga soo gudbin

Iyadoo ay sidaasi jirto ayaa waxaa hadlay C/raxmaan C/shakuur waxaana uu sheegay in ay la yaab tahay un dowlada dad u caburiso arinkaan oo ay u xirto wadooyinka maanta,

Dowlada Soomaaliya ayuu ku tilmaamay mid u dhaqmeeyso sidii caruurtii islamarkaana ay ka welwelsan yihiin mustaqbalka dalka halka uu ku dambeeyn doono hadii sidaan xaaladu sii ahaato.

Xaflad la baajiyay ayaa ujeedkeedu ahaa in loogu baroor diiqo askar 17-December lagu dilay weerar lagu qaaday hoyga  C/raxmaan C/shakuur  kuwaasi oo xitaa aan la ogeeyn halka dowladu ku aastay