C.R.C/Shakuur oo Shegay In Dowlada Ay Joojiso Indha Sarcaadka Sona Bandhigay Heerka Amni ee Dalka

Reading Time: < 1 minute

Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa sheegay in Weeraradii ugu dambeeyay ee Al shabaab ay ka geysteen Vila Somalia, Xarunta NISA, deegaanada Balcad, Afgooye iyo kolanyada ciidanka Burundi ee AMISOM in ay wali muujineyso in ay halis tahay awooda Kooxda Al shabaab.

Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur ayaa Madaxda u sheegay inay joojiyaan dhalanteedka iyo indha sarcaadka.

Siyaasiga aya Bartisa Facebook So Dhigay Qoraalkan:

Weerarada is xigxigay ee ay Alshabaab usbuucii tegey ku qaadeen Vila Somalia, Xarunta NISA, deegaanada Balcad, Afgooye iyo kolanyada ciidanka Burundi ee AMISOM waxay muujisay awood kooxdaas ay weli u leeyihiin in ay wax gumaadaan, waxay kaloo banaanka soo dhigtay taagdarida dawlada ee xaqiijinta amniga dalka.

Hogaanka dawlada waxaan ka rabnaa in ay dhalanteedka iyo indha sarcaadka joojiyaan ee ay dhabta ka hadlaan, dhinac iska dhigaan kooxeysiga iyo mugdi wax ku maamulida. Si masuuliyada loola qaado, dhinac na looga soo wada jeesto cadawga waa in ay shacabka, waxgaradka iyo masuuliyiinta aan talada looga maarmin u daacad waramaan, taladana dhexda dhigaan.