Tan iyo markii ay curatay Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa caadi noqday xildhibaanadda baarlamaanka soomaaliya iyo shaqsiyaad kale oo fadlan igu shubo ah Kuwaasi Goob walbo la taagaan Hadalo amaan ah oo aan loo dhaheeyn Si dareen leh balse ah’’ xiisaha qaboo xaabada geey’’
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka sida weeyn u Taageersanaa Dowlada hada jirta waxaana la xasuusnaa Colaadintii uu ku bilaabay Xassan sheikh Maxamuud Halka ay Gaartay,balse hadda Goodax waxaa uu ka qoomameeynayaa taageeradii Nabad iyo Nolol.
Waxaa uu sheegay in uu kazoo Go’ay Kooxda uu hogaamiyaha u yahay Xassan Cali Kheeyre oo uu u dulqaadan waayay Beenta iyo Wararka Facebook-ga lala tiigsanaayo,taasi oo uu sheegay in ay kazoo ekaatay Waxqabadka Dhabta ah Ee Xukumadda.
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre ayaa xusay in aan dalka lagu xukumi Karin Amar lagu shaaciyo Facebook-ga iyo Colaadin joogto ah’’Dalka laguma maamuli karo Facebook-ga dooda ka socoto,waxaa nasiib xumo ah in dhaqaalle badan lagu bixinaayo’’ Ayuu yiri Xildhibaan C/laahi Goodax Barre.
Sidoo kale C/laahi Goodax Barre waxaa uu sheegay in uu ku qaldoomay Taageeradda Kooxda Qiyaano qaran islamarkaana uu hadda raali-galin ka bixinaayo waxii qalad ah ee ka dhacay waqtiyadii uu ku jiray Marxalada Nabad iyo Nolol’’Waan ogahay waan qalmaday,waxaan leeyahay raali ka ahaada waxii afkeeyga kazoo baxay nabad iyo nolol ayeey nagu siren aan jirin’’
Gudoomiyahii Hore Ee Baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayuu sheegay in uu ka qaldanaa islamarkaana uu hadda doonaayo Cafis uu ka dalbanaayo,waxaasa la rumeeysan Karin hadalka Goodax kaasi oo lagu yaqaan marba dhinac u yaac.
Dhanka kale Dhawaan Kullan uu kula yeeshay Turkiga Madaxweynahii Hore Ee Soomaaliya xassan sheikh Maxamuud ayuu ku sheegay in uu ahaa mid saamaxaad looga dalbanaayay Xassan’’Madaxweyne Xassan waan u tagay inaan ka qaldanaa waaan u sheegay’’
Xildhibaan C/laahi Goodax Barre inkastoo uu yahay shaqsi aan laheeyn siyaasad Sal adag hadana waxaa uu u muuqdaa in uu kazoo quustay Kooxda Awoodda dalka isku koobtay,islamarkaana Dhaqaallaha Dalka ku Bixineeysa Faataa-dhug .