C/laahi Goodax Bare Iyo Xassan Shiikh oo Turkiga Ku kulmay!!!

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre oo muddo xurguf siyaasadeed u dhaxeysay ayaa ka heshiiyay khilaadkii hore, kaddib markii ay ku kulmeen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Xildhibaan Goodax Barre iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo khilaafkooda siyaasadeed soo bilowday markii Goodax bare laga qaaday Xilkii Wasiirka arrimaha gudaha loona dhiibay Wasiir Odayaa ayaa hadda arrinta u muuqataa mid ka soo roonatay sidii hore.

Xasan Sheikh iyo Xildhibaan Goodax Bare ayaa sidoo kale Xifaaltan siyaasadeed oo aad u adag dhexmaray ka dib markii Maamulkii Xasan Sheikh isku dayay inuu dhiso maamulka Hirshabeelle,balse rafaad iyo dhib badan ka dib hirgalay.

Goodax Barre ayaa aad ugu fara adeegay inuu ku soo baxo doorashadii Kursiga Xildhibaanimo ee ka dhaceysay magaalada Jowhar ka dib markii Xasan Sheikh uu dhaqaalo badan ku bixiyay sidii doorashada Xildhibaanada looga reebi lahaa.

Waxaa jira siyaasiyiin badan oo xafilaatan siyaasadee uu dhexmaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh balse markii danbe ay heshiiyeen.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!