C/laahi Gaafoow Oo Lagu Doortay Magaalada Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Magaalada dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa goor dhow lagu soo gabagabeeyay kursi ka mid ah Kuraasta ka banaan Golaha Shacabka doorashadiisa.

Kursigaan ayaa horay waxaa u baneeyay Cabdulqaadir Gaafow Maxamuud, waxaana maalin ka hor doorashadiisa ku dhawaaqay Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Shalay labo Musharax ayaa ku dhawaaqay in ay ku tartami doonaan Kursigaan.

Guddoomiyihii hore ee degmada deyniile Xiireey Muxudiin Cumar oo doorashada kursiga xildhibaannimo kula tartami lahaa Jeneraal C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa Iscasilay ka hor doorashada.

Ergadda ayaa u codeeyay Gaafow, waxaana Guddiga doorashooyinka ay shaaciyeen in uu ku guuleystay Cabdullaahi Gaafow Maxamuud oo kaligiis kursigaasi ku tartamay.