C/karin Mooge oo la filayo inuu noqdo Musharaxa Madaxweyne X/ Kulmiye

Reading Time: < 1 minute
Masuulkii ugu horeeyay ee ka tiirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ayaa shaaciyay in Maayir Cabdikariin Axmed Mooge loo wado inuu noqdo Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye.
Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere oo ka tirsan Guddiga Sare ee Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye sidoo kalena ku jira shaqsiyaadka saxiibka dhow la ah Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Duqa Caasimada Somaliland ee Hargeysa  Cabdikariin Axmed Mooge ay ka dhigayaan Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo ay la doonayaan inuu noqdo Madaxweynaha ku xigi doona Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Cabdiraxmaan Dheere ayaa noqanaya Masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Gudigga Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee si rasmi ah u sheegay in uu jiro qorshaha ah in Maayir Cabdikariin Axmed Mooge loo wado Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye.