Wararka ay MUQDISHO ONLINE ka heleeuso Magalad Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu maanta gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF.
Xubno ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Shacabka Magalada Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeysy Qalbi-Dhagax,iyada oo intaasi kadib la geeyay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland.
C/kariin Shiikh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa waxaa uu maalmahaan booqasho ku marayay deegaano ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland,waxaana uu ku sugnaa Magalada Dhuusamareeb balse uu maanta gaaray Magalada Kismasyo.